Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo ‘culeyskooda ciidan isugu geeyey Sh/ DHEXE

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cali Caadle oo la hadlayey warbaahinta ayaa si adag uga hadlay xaalada amaan ee deegaanada maamulkaasi

Caadle ayaa sheegay in Al-Shabaab ay culeys xoogan soo saareen HirShabelle, islamarkaana ay jareen isku socodkii xorta ahaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Al-Shabaab ay isugu tageen gobolka Shabeelaha Dhexe, islamarkaana ay halkaasi isugu geeyeen culeyskooda ciidan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xittaa la awoodi waayey in la gudbiyo gargaarka bani aadamnimo ee loogu talagalay in gaarsiiyo dadka danta yar.

Wasiir Caadi ayaa carabka ku dhuftay in ka maamul ah aysan awoodin inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi oo saameyn ku yeeshay horumarkii HirShabelle.

“Deegaanada Hir-Shabeele Al-Shabaab waxa ay saareen Culeys, waxaana la awoodi la’ yahay in xitaa gargaarka bani aadamnimo la gudbiyo, waxaana go’ay isku socodkii xorta ahaa, mana ahan dadaal xumo dhankeena ah, balse waa Al-Shabaab oo u guuray Shabeelaha Dhexe, mana awoodno in aan wax ka qabanayo”. ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka HirShabelle.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo cid kasta oo ka gacan siin karta inay kala qeyb qaataan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Inta badan dagaalyahannada ayaa weeraro jidgal ah ka fuliyo jidka dheer ee isku xira magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho oo muhiim u ah isku socodka labadaasi magaallo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this