Deeq A. Posted February 24, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Baay. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay ay weerar culus ku qaadeen saldhig dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku leeyihiin gudaha deegaanka Buur -Eyle oo hoos taga degmada Buurhakaba. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka kadib ciidamada dowladda ay u suuragashay inay muddo kooban la wareegaan gacan ku heynta deegaankaasi. Ugu yaraan halka askari ayaa ciidamada dowladda uga dhintay dagaalka, iyadoona ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida aan xogta ku helnay. Wararkii ugu dambeeyey ayaaa haatan sheegaya in xarakada Al-Shabaab ay dib u qabsatay deegaanka, kadib dagaal rogaal celis ah oo ay markale soo qaadeen dagaalyahannadeeda. Xaaladda ayaa hadda ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Baay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites