Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay ay weerar culus ku qaadeen saldhig dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku leeyihiin gudaha deegaanka Buur -Eyle oo hoos taga degmada Buurhakaba.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka kadib ciidamada dowladda ay u suuragashay inay muddo kooban la wareegaan gacan ku heynta deegaankaasi.

Ugu yaraan halka askari ayaa ciidamada dowladda uga dhintay dagaalka, iyadoona ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida aan xogta ku helnay.

Wararkii ugu dambeeyey ayaaa haatan sheegaya in xarakada Al-Shabaab ay dib u qabsatay deegaanka, kadib dagaal rogaal celis ah oo ay markale soo qaadeen dagaalyahannadeeda.

Xaaladda ayaa hadda ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Baay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this