Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

War-saxaafadeed ka soo baxay AFRICOM ayaa waxaa faah faahin looga bixiyey duqeyn dhanka cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya ay diyaaradahooda duqeymo ka fuliyeen degmada Dajuuma ee gobolka Jubbada Dhexe.

Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyntaasi ay ku dhaawaceen illaa saddex xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana ay ku burburiyeen saldhig ku yaalla halkaasi

Sidoo kale War-saxaafadeedka ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in khasaaro dhimasho ama dhaawac aysan ka soo gaarin duqeyntaasi dadka deegaanka ee ku dhow halka ay duqeynta ka fuliyeen diyaaradahooda dagaalka.

 

Shalay ayey aheyd markii DF Soomaaliya iyo AFRICIM faah faahin ka bixiyeen duqey lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka dhacay degmada Saakow ee gobolka J/Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this