Deeq A. Posted February 23, 2020 Taliyaha guud ee ciidamada dowlad goboleedka Jubaland Gen. Aadan Maxamuud Ibraahim oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Jubaland ay diyaarisay hawlgal ballaaran oo Al-Shabaab looga xoraynayo gobolka Jubada Dhexe. Hawlgalkaas oo sida uu sheegay maalmaha soo socda bilaaban doona. Hawlgalka ayaa si gaar ah u bartil-maameedysan doona magaalada Bu’aale ee xarunta gobolkaas Jubada dhexe halkaas oo dowladda Federaalkuna doonayso in ay Jubaland uga hormarto. Gen. Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa sheegay in ciidanka Jubaland loo dhameystiray qalabkii ay kula dagaallami lahaayeen malayshiyaadka Al-Shabaab si loo xoreeyo degaannada Jubaland gacanteeda ka maqan ee Al-shabaab maamulaan. Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in kooxda Al-shabaabs sannadkan gudihiisa laga saari doono dhammaan degaannada ay kaga sugan yihiin dhulka jubaland halkaas oo sida uu xusay ay dhib ku hayaan shacabka. PUNTLAND POST The post Jubaland oo ku dhawaaqday hawlgalka xoraynta Bu’aale appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites