Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo raba inuu dowlada uga hormaro qabsashada magaalo looga dhowaaqi karo maamul kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa wada qorshe xooggan oo uu doonayo in ciidankiisa ay kula wareegaan gacan ku haynta magaalada Bu’aale oo ah xarunta rasmiga ah ee maamulkiisa, ka hor dowladda federaalka.

Taliyaha guud ee ciidanka dowlad goboleedka Jubaland Gen. Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa sheegay in Jubaland ay diyaarisay qorshihii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab laga soo saari lahaa gobolka Jubada Dhexe, islamarkaana maalmaha soo socda ay la billaabi doono.

Taliyaha ayaa xusay in ciidanka Jubaland loo dhameystiray qalabkii ay kula dagaallami lahaayeen Al-Shabaab, islamarkaana sanadkaan la xoreyn doono deegaano badan.

Muhiimadda qabsashada magaalada Bu’aale ayaa ah mid ka baxsan Al-Shabaab, waxayna qeyb ka tahay loolanka u dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubaland.

Dowladda oo hadda gacanta ku dhigtay inta badan gobolka Gedo, ayaa tallaabada xigta ee ay qorsheyneyso waxay tahay inay Al-Shabaab ka saarto gobolka Jubada Dhexe, gaar ahaan magaalada Bu’aale.

Dowladda oo aan aqoonsaneyn maamulka Axmed Madoobe ayaa haddii ay gacanta ku dhigto Bu’aale iyo guud ahaan Jubada Dhexe, waxay macnaheedu tahay inay maamuli doonto laba ka mid ah saddexda gobol ee maamulka.

Tallaabada xigta ayaa waxay markaas tahay in dowladda ay ku dhowaaqday maamul Jubaland oo cusub, sida ay horey u shaacisay inay sameyneyso, kaasi oo noqon doono maamulka la aqoonsan yahay oo xaruntiisa ay tahay Bu’aale.

Axmed Madoobe, oo ka war-haya in haddii Bu’aale iyo Jubada Dhexe ay u gacan galaan dowladda, uu maamulkiisa soo koobmi doona, ayaa hadda doonaya in ciidankiisa ku hormaro qabsashada Bu’aale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this