Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo sheegay in uu hayo ‘xog la qariyey’ oo la xiriirta weerarkii Ceel-Saliini

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay qarineyso khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga Ceel-Saliini ee gobolka Sh/Hoose.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa sidoo kale sheegay in “ciidankaas la dayacay.”

“Allaha u naxariisto ciidankii shuhaddada ahaa ee lagu laayay Ceel Salliini. Waxaan xog ku heynaa in ciidankaas la dayacay, cadawgana loo baylahiyey,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Waxa uu intaas ku dara “Tiro 3 jeer ayaa la soo wareeray, iyadoo ay Al-Shabaab mar walba ciidan caabboon ku soo weerarayeen xerada. Ma jiro ciidan beddela, ama lagu xoojiyo ciidanka la laayey, sababtuna waa in ciidankii xoogga dalka loo daabulayo in lagu qabsado deegaanno nabad ah oo Alshabab laga xoreeyey.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay “warbaahinta ku cadaadisay” inaysan ka hadal khasaaraha weerarkaas.

“Madaxda Dowladda Federaalka waxay qarinayaan ciidanka ay Alshabaab laayeen, warbaahintana waxay ku cadaadiyeeen in aysan ka hadal. Waxaa kaloo wax laga naxo ah in aysan Aaskooda tegin, eheladooda u tacsiyeynin, agoontii ay ka tageena booqan, kuwii ka harayna niyadda u dhisin. Dad sidaa u dhaqmaya miyaan ka rumaysan karnaa in ay ciidan dhisayaan, cadawga Alshabab-na jebinayaan,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma uusan soo bandhigin wax tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee uu ogyahay in ciidamada qaranka kasoo gaaray weerarkii Ceel-Saliini.

Maalinkii weerarka uu dhacay ayaa xogta la helay ee warbaahinta qaar ay werisay waxay sheegeysay in weerarkaas lagu dilay 24 askari. Al-Shabaab ayaa sheegatay dhimashada 40 askari.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this