Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo gabdho ka afduubtay duleedka magaalada Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka Ardo oo 40 KM u jira magaalada Cadaado ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalyahannadaasi xalay saqdii dhexe ay horay u afduubteen labo gabdhood oo ka mid ah dadka deegaanka.

Magacyada gabdhaha ay kaxeysteen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa waxaa lagu kala sheegay Bishaaro Qoorey Xodey iyo Ayaan Macalin Cali.

Qoysaska labadaasi gabdhood ayaa haatan aad uga wal walsan xaaladda ay ku sugan yihiin, lamana oga halka lala aaday.

Sidoo kale lama oga sababta ka dambeysa falkaasi afduubka ah oo ku cusub deegaanka Ardo oo ay marto waddo isku xirta degmooyinka Cadaado iyo Xarardheere.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Galmudug iyo kuwa dowladda ee ka howlgala gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Xaaladda deegaanka Ardo oo markii ay doonaan soo galaan Al-Shabaab ayaa hadda degan, waxaana waxgaradka ay ku howlan yihiin inay dib u helaan gabdhahaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this