Deeq A. Posted February 23, 2020 Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan guddiga doorashooyinka qaranka ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Xubnahan ayaa waxaa hoggaaminaya Khadiijo Cosoble Cali oo ka mid ah guddiga doorashooyinka maxa banaan. Sidoo kale waxaa wafdiga ka mid ah la-taliyayaal, agaasimayaal iyo hawl wadeeno kala duwan. Ujeedada socdaalkooda ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu la xariiro wacyigelin ku aadan doorashada la filayo in la qabto sanadka soo socoda ee 2021-ka. Guddiga doorashooyinka ayaa dadaal ku bixinaya doorashadaasi, waxaana guddoomiyaha iyo xubnaha kale kulamo ay ka wadaan maamul goboleedyada. View the full article Share this post Link to post Share on other sites