Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo shaacisay in duqeyn lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal dhinaca cirka ah oo laga fuliyey qeybo ka mid ah degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaan oo ay si wadajir ahu fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya iyo diyaaradaha Mareykanka lagu dilay illaa labo sarkaal oo ka mid ahaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, mid kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale warkaan ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu burburiyey saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Halkan hoose ka aqriso:

Duqeyntan habeysan ayaa lagu dilay labo ka mid ah madaxda sare ee Al-shabaab halka mid kale na lagu dhaawacay iyada oo lagu baabi’iyey xero ciidan oo ay Al-shabaab halkaa ku lahayd.

DFS iyo Ciidamada Dowladda Mareykan ee AFRICOM ayaa qaadaya tallaabooyin dheeri oo ay uga hortagayaan waxyeellada shacabka marka lala dirirayo argagaxisada Al-shabaab iyada oo si buuxda loo baarayo eedayn walba oo soo baxda. Duqeyntan iyada ah ma jirto cid shacab ah oo wax ku noqotay hubintii la sameeyey.

Duqeyntan waa mid ahmiyad leh maxaa yeelay waxay na tusinaysaa in haweenku ka mid noqon karaan Al-shabaab. Haweenku kuwooda ka shaqeeya shabakadda Amniyaatka ama u fududeeya adeegyada kale waa Al-shabaab.

Dumarka waxaa lagu dirqiyaa inay ku biiraan Al-shabaab iyada oo la cabsi gelinayo ama xoog loo sheeganayo si ay u xambaaraan afkaarta gurracan ee Al-shabaab.

Soomaaliya iyo bahwadaagteeda way ka go’antahay la dagaalanka argagaxisada Al-shabaab iyada oo aan loo aabayeelayn jinsi, si markaa looga hortago dhimashada dadweynaha aan waxba galabsan ee leh rag, dumar iyo caruurta Soomaaliyeed ba iyo waliba dalalka deriska ah Soomaaliya.

Dadaaladan aynu wadno ayaa looga gol-leeyahay ka hortagga iyo ilaalinta dadka rayidka, waxayna ka geddisantahay weerarada aan loo meel dayin ee ay Al-shabaab ku beegsadaan had iyo jeer meelaha shacabka ku badanyahay ee ku yaalla Soomaaliya.

Duqeyntan iyo iska caabintii ay sameeyeen Ciidanka Xoogga Dalka , ciidanka daraawiishta iyo ciidanka Danab ee ku sugan magaalada Sabiid ayaa waxay calaamad u tahay sida muwaadiniinta Soomaaliyeed, DFS iyo bahwadaagtooda Soomaaliyeed ay u meelmarinayaan caddaalad marinta kuwa dabandaabyada iyo argagaxa ku haya dadka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this