Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Sadiiq oo qaabilay Maareeyaha wakaaladda Dhismaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Maareeyaha guud ee wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Kullanka oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka, mudane Xassan Abshirow Maxamed ayaa lagu boggaadiyay howlaha wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed.

Wasiir Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Maareeyaha wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed ku dhiirigeliyay inuu dardar geliyo shaqada uu Qaranka u haayo,isagoo uga mahadceliyay isbedelada uu sameeyay muddadii yareed ee uu xafiiska joogay.

Kulanka ayaa sidoo kale diirradda lagu saaray wada-shaqeyn dhow oo ay wakaaladdu la yeelato wasaaradda iyo guddiga.

3-23.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1 1-41.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1 2-31.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Wasiir Sadiiq oo qaabilay Maareeyaha wakaaladda Dhismaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this