Sign in to follow this  
Deeq A.

Filish oo xarigga ka jaray xarun muhiim ah+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarigga ka jaray xaruta labaad ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo laga hirgeliyay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Xaruntaan cusub ee laga daahfuray degmada Cabdicasiis ayaa ah mid loogu adeegi doono bulshada caasimadda gaar ahaan 8-degmo oo katirsan gobolka Banaadir kuwaas oo kala ah, degmooyinka,Cabdicasiis,Kaaraan,Yaaqshid,Shibbis,Boondheere, Hiliwaa,Shangaani iyo XamarWeyne.

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya, korneyl Maxamed Aadan Koofi oo ka hadlay Munaasabadda ayaa xusay in furitaanka xaruntaan ay timid kaddib dalab uga yimid shacabka oo ahaa in la ballaariyo xarumaha hay’adda  maadaama uu ciriiri badan ka jiray xarunta laga bixin jiray Baasaboorka,isagoo sheegay in xaruntaan ay hadda wixi ka dambeeya loogu adeegi doono bulshada ku nool 8 degmo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa hay’adda socdaalka ku boggaadiyay shaqooyinka ay bulshada u heyso, waxaa uuna sheeyay in tani ay kamid tahay dadaallada dowladdu ay ugu jirto in adeegyada loo dhaweeyo shacabka.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan dowladda,Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir,mudane Ibraahin Cumar Mahad Alle (Ibraahin Dheere) iyo masuuliyiin kale.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:

85056443_584936522233878_918222703613811 85177959_229743984726589_24253198854678187359743_472795283601098_514397105640649 87379828_485394095674562_501712818239071 87778014_196690741617256_600499780895899qax-1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this