Deeq A. Posted February 23, 2020 Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland laga dareemayo gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyadaan milatari ayaa salka ku haya safar la filayo in magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose uu ku tego madaxweyne Axmed Madoobe. Safarka madaxweynaha Jubbaland ayaa la xariira kulamo uu ugu kuur galayo xaaladda amni iyo mida nololeed ee ka jirta halkaasi. Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Axmed Madoobe Dhoobley wuxuu la kulmi doonaa mas’uuliyiinta maamulka magaaladaas iyo saraakiisha ciidamada. Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale intiisa badan booqashadiisa iyo kulamada diirada ku saarayo dhaq dhaqaaqy ka socda gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan xiisada u dhexeysa ciidamada dowladda iyo kuwa maamulkiisa ee ka taagan gobolkaasi. Dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka wada deegaano iyo degmooyin ka kala tirsan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka. Saraakiisha horkaceysa howlgalladan ayaa sheegay in ujeedka uu yahay, sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab, loogna saari lahaa deegaanada ay heystaan. Ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xoojiyey howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites