Sign in to follow this  
Deeq A.

Africom oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday Saakow

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa faah faahin loogaa bixiyey duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey degmada Saakoow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Warka ka soo baxay taliska taliska AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran eeS oomaaliya ay diyaaradahooda duqeymo ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe, gaar ahaan degmada Saakow.

Mareykanka ayaa sheegtay in duqeynta ay fuliyeen diyaaradahiisa ay ku dileen illaa laba xubnood oo ka trisanaa Al-Shabaab, mid kalena ay ku dhaawaceen.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarkan dhanka cirka ah lagu burburiyey saldhig ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa maalmihii u dambeeyey kordhiyey duqeymaha ay ka fuliyaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliy.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this