Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir oo shaaciyey dhibaato ka jirto Xabsiyada DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka banaadir Muuse Macalin Maxamed oo ka qayb galayay munaasabad lagu waynaynayay 50 sano guuradii kasoo wareegtay markii la’aas aasay Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo xalay lagu qabtay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Carruurta Soomaaliyeed ay dhibaatooyin ku qabaan xabsiyada dalka.

“Carruurta ma qaadan Koriimo ku filan jirkooda, waxaa suurta gal ah in lala xiro dad ka da’ weyn oo ay macquul tahay in ay galeen dambiyo kala duwan sida in ay dilal geysteen, waxaan codsanayaa in loo dhiso qolal u gaar ah, waxaana ku filan labo qol oo loo dhameystiray waxyaabaha ay u baahan yihiin” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Waxa uu sheegay in aysan jirin Xabsi u gaar ah Caruurta oo loogu talagalay in lagu xero mararka ay galaan fal dambiyeedyada balse lagu dhex xiro dadka waawayn xabsiyada ay ku jiraan.

Waxa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray  Guddoomiyaha in dhawaan uu xabsiga kasii daayay laba Caruur ah oo galay fal dambiyeed maadaama aysan jirin meel ugaar ah oo loogu talagalay in lagu xiro caruurta.

“Labo todobaad kahor waxa aan Xabsiga dhexe kasii daayay labo carruur ah oo lagu helay dambiyo cad, balse sababta aan u sii daayay waxa ay ahayd in aysan gaarsiineen da’da ay mas’uulka ugu noqon karaan fal dambiyeedka, Xabsiga dhexe kuma ogi in uu leeyahay goobo u gaar ah Carruurta” Ayuu yiri.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this