Sign in to follow this  
Deeq A.

Militariga dowladda Soomaaliya oo Al-shabaab ka furtay in ka badan 400 oo ari ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay tuulooyinka u dhaxeeya degmada Maxaas iyo degaanka Muqokori.

Howlgalka oo la sheegay in uu ahaa mid qorsheysan ayay ciidamadu ka sameeyeen tuulada Muuse-geel iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga soo xigtay  in howlgalka ujeedkiisu ahaa sidii Al-shabaab looga sifeyn lahaa waddooyinka u dhaxeeya degaanka Moqokori iyo degmada Maxaas ee gobolkaasi Hiiraan.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay  Alshabaab ka soo furteen in ka badan 400(Afar boqol) neef oo ari ah oo ay dadka shacabka ka dhaceen. Xoolahaas ayaa dadkii lahaa ciidamadu dib ugu celiyeen sida laga soo xigtay Saraakiisha.

PUNTLAND POST

The post Militariga dowladda Soomaaliya oo Al-shabaab ka furtay in ka badan 400 oo ari ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this