Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo war ka soo saartay raalli-gelintii MW Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Itoobiya ayaa warbixinteeda todobaadlaha ah ee (week in the horn)  uga hadashay raalli-gelintii uu madaxweynaha Soomaaliya u diray reer Somaliland.

Warbixintaan oo todobaad weliba ay soo saarto wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in sidoo kale madaxweyne Biixi uu aqbalay raalli-gelintaasi.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid loo qaaday dhanka horumarka iyo isku dhowaanshaha xiriirka labada dhinac.

“Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi waxa uu soo dhaweeyay raalli gelinta dadwaynaha ee uu Madaxweyne Farmaajo ka muujiyay xasuuqii Siyaad Barre, Madaxweyne Biixi ayaa ku ammaanay tallaabadaas mid gaar ah oo taariikhi ah, Ku dhawaaqista Farmaajo go’aankaas ee 13-kii Febraayo todobaadkii tagay ayaa kamid ah tilaabooyinki ugu dambeeyay ee ay arkeen is afgarad ka dhexeeya labada dhinac, Toddobaadkii la soo dhaafay labada waxa ay wada qaateen kulankoodii ugu horeeyay taariikhda oo ahaa mid Albaabada u xiran oo ay ku yeesheen Addis Ababa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Arrintaan aya ku soo aadaya, iyadoo dhowaan madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo midka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ay kulankoodii ugu  horreeyey ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this