Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad Shacab ah oo ku dhintay qarax kula kacay gobolka Jubada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Gaari nuuca Raaxada ah oo ay la socdeen dad shacab ah ay waxyeelo gaartay kadib markii uu dul maray Miino la sheegay in wadada ay ku aasnayd.

laba qof oo  Rayid ah  oo gaariga saarnayd ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxaas waxaana burbur uu gaaray Gaariga oo kasoo ambabaxay Degmada Afmadow una socday Magaalada Kismaayo.

Gudoomiyaha Degmada Afmadow Yuusuf Xasan Xuseen oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la aqoonsaday labada ruux ee ku geeriyootay Gaariga nuuca Raaxada ah gaar ahaan (Toyota Succed) oo kamid ahaa gaadiidka ka dhex shaqeeya inta u dhaxeysa Afmadow iyo Kismaayo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Gaariga uu dul maray Miino wadada ku aasneed isla markaana ay geliyeen Al-Shabaab oo ku sugan degaanka qaraxa uu ka dhacay sida uu hadalka u dhigay.

PUNTLAND POST

The post Dad Shacab ah oo ku dhintay qarax kula kacay gobolka Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this