Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubaland oo amar siiyay Saraakiisha Ciidamada ku sugan Dhoobleey

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo xalay ku hoyday degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa halkaasi kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmadaas.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha kala hadlay dagaalka Al-shabaab, waxaana uu ku amray Saraakiisha Ciidamada ay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo weli ku sugan degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka, si looga saaro degaannada ay ku sugan yihiin.

Madaxweyne Axmed Madoobe  ayaa u ballan-qaaday Saraakiisha Ciidamada Jubbaland in la siin doono agab kasta oo ay u baahan yihiin, islamarkaana dhankooda looga baahan yahay in ay bilaabaan hawlgallada Al-Shabaab.

Saraakiisha uu la kulmay madaxweynaha Jubbaland, ayaa laba Todobaad ka hor waxaa ay Magaalada Dhoobleey kusoo bandhigeen Ciidamo farabadan, kuwaas oo ay Saraakiishu sheegeen in ay fulin doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab iyo cid kasta oo cadaw ku ah  Jubbaland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubaland oo amar siiyay Saraakiisha Ciidamada ku sugan Dhoobleey appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this