Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil dhalinyaro ahaa oo lagu dhaawacay degmada Hodan

Recommended Posts

Deeq A.   

Rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu mgacaabo Cabdirisaaq Axmed Ibraahim waxa ay ku dhaawacmeen qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir

Falka ayaa dhacay kadib markii ay raggaasi isku dayeen inay taleefanka ka dhacaan wiilkaasi dhalinyarada ah oo ka biyo diiday, kadibna ay rasaas ku fureen.

Rasaasta ayaa sababatay inuu dhaawac xoogan soo gaaro Cabdirisaaq oo haatan lagu dabiibayo mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maxamed Axmed Ibraahim oo la dhashay dhibanaha ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in ragga falkaasi geystay ay ka tirsan yihiin ciidanka dowladda, siduu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka tirsan yihiin ciidamada degan nawaaxiga Masjidka Cumar Cabrey oo ku yalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/shardi-.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this