Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo bilaabay qorsho uu uga hortagayo dhaq-dhaqaaqyada Ciidamada DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhoobley (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay ku hoyday degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa halkaasi kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmadaas, isaga oo kala hadlayay la-dagaalanka Al-Shabaab.

Waxaa uu Axmed Madoobe amray Saraakiisha Ciidamada ay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka si looga saaro deegaannada ay ku sugan yihiin.

Waxaa uu u balan qaadey Axmed Madoobe Saraakiisha Ciidamada Jubbaland in la siin doono agab kasta oo ay u baahan yihiin,hayeeshee dhankooda looga baahan yahay inay bilaabaan dagaalka Al-Shabaab.

Saraakiisha uu la kulmay Madaxweynaha Jubbaland ayaa laba Todobaad ka hor waxaa ay Magaalada Dhoobleey kusoo bandhigeen Ciidamo farabadan, kuwaas oo ay Saraakiishu sheegeen inay fulin doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab iyo cid kasta oo cadaw ku ah Maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe oo doorashadii uu ku qabtay Kismaayo kahor timid Dowladda federaalka, waxa uu wadaa abaabul uu dib isugu uruurinayo Ciidamada Daraawiishta Maamulkaas, si aan saameyn taban ugu yeelan dhaq-dhaqaaqyada Ciidamada DFS.

Maanta waxa uu la kulmayaa Qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Odoyaasha dhaqanka, waxaana kulan kale uu kula ballansan yahay Saraakiisha Kenya ee hogaamineysa howlgalka AMISOM gaar ahaan Gobolada Jubbooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this