Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad shacab ah oo qarax lagu dilay iyo Axmed Madoobe oo diyaarad militeri ku tegay Dhoobley

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhoobley (Caasimada Online)-Duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa casir liiqii galabta waxa ay miino kula kacday gaari ay wateen laba ruux oo shacab ah, kuwaas oo goobta ku geeriyooday.

Labada nin ee ku geeriyootay qaraxaas ayaa watay gaari nuuca raaxada ah, waxayna ka baxeen degmada Afmadow, iyagoo kusii jeeday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Gudoomiyaha degmada Afmadow Yuusuf  Xasan Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la aqoonsaday labada ruux ee ku geeriyootay qaraxaas miino ee watay gaariga, waxuuna sheegay in gaarigaas uu ka mid ahaa gaadiidka ka dhex shaqeeya magaalooyinka Afmadow iyo Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa galabta gaaray degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa degmadaas ku gaaray diyaarad militeri oo ka qaaday magaalada Kismaayo, taas oo ay leyihiin ciidamada cirka ee dowladda Kenya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Axmed Madoobe ayaa maalmihii lasoo dhaafay qorsheenayey in uu gaaro degmada Dhoobley, waxaana la sheegay in markii hore uu qorshihiisu ahaa in safar dhulka ah uu ku gaaro Dhoobley, balse ay u suurta geli weysay maadaama ay Al-Shabaab ku sugan yihiin inta u dhaxeysa Kismaayo iyo Dhoobley.

Maalmo ka hor ayaa meel u dhaw degmada Qooqaani waxaa qarax miino lagula eegtay askar hor dhac u heyd safarka uu Axmed Madoobe ku tegayo magaalada Dhoobley, kuwaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka soo gaaray qaraxaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this