Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir beesha Mudullood berri uga furmaya Muqdisho iyo dadaallo lagu baajinayo oo socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda federaalka ayaa waxaa la sheegay in ay dadaal badan ugu jirto sidii loo baajin lahaa kulan ay Axadda berrito iclaamisay beesha Mudullood, kaas oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Shirkaas oo qaban qaabadiisu mudooyinkii dambe ka socotay magaalada Muqdisho, isla markaana ay iskugu imaanayaan waxgaradka beesha, ayaa waxaa lagu casuumay madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed iyo siyaasiyiin kale oo heyb ahaan kasoo jeedda beesha Mudullood.

Muxidiin Xasan Afrax  oo ka mid ah waxgaradka beesha Mudullood oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulankaas ay iskugu imaaneyso beeshu uusan xambaarsaneyn wax caqabad ah oo ku wajahan dowladda ama qabaa’illo kale.

Wararka heleyso Caasimada Online ayaa waxa ay sheegayaan in dowladda federaalku ay ku dadaaleyso in la baajiyo kulankaas berri loo iclaamiyey in ay iskugu yimaadaan waxgaradka beesha Mudullood, kaas oo sida ay sheegeen waxgaradka beeshu ay uga tashaneyso aayaheeda beelnimo.

Siyaasiyiin, dhalinyaro iyo waxgarad kale ayaa la sheegay in dowladdu ay u adeegsaneyso baajinta shirkaas, waxayna wararku sheegayaan in waxyaabaha la qorsheynayo in lagu lafa guro kulankaas ay ka mid yihiin wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, maqaamka caasimadda iyo arrimo kale, kuwaas oo ka hadalkooda aysan mahadin madaxda dowladda federaalka.

Muxidiin Xasan Afrax oo ka mid ah waxgaradka beesha Mudullood ayaa sheegay in haatan wax culeys ah aysan ka dareemeyn dhanka dowladda, balse ay ka war hayaan dad loo soo adeegsanayo sidii loo baajin lahaa shirkan, isagoo carabka ku adkeeyey in kulankaas uu dhici doono maalinta Axadda ah ee berrito, isla markaana uu socon doono illaa inta ay kasoo baxayaan qodobo gun dhig u ah aayaha beesha.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Z0000013

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this