Deeq A. Posted February 22, 2020 (SLT-Hargeysa)-Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa markii u horaysay si rasmi ah u bilawday guddida la dagaalanka Mukhaadaraadka ee Somaliland. Sida lagu sheegay war-qoraal ah oo ku qornaa Af-Ingiriisi oo Agaasimaha guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Aadan Cabdilaahi uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka. Guddidan ayaa masuul ka noqon doonta hoggaaminta olole wacyigalineed iyo talaabooyin ka dhan ah Mukhaadaraadka oo guddidu qaadi doonto, sida uu hadalka u dhigay Agaasimaha Guud. Source Share this post Link to post Share on other sites