Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo howlgallo ka sameeyey Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa milatariga ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Sh/Hoose.

Howlgallada ayaa ahaa kuwo lagu xaqiijinayo amniga, waxaana ciidanka dowladda ay si weyn baaritaanadaasi uga sameeyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolkaasi.

U jeedka howlgalladaan ayaa sidoo kale saraakiishu waxa ay ku sheegeen sidii looga hortagi lahaa weeraro hor leh oo Al-shabaab ay ka filiso gobolka Shabeelaha Hoose.

Si kastaba ha’ahaatee howlgalladaani ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dagaalyahanada  Al-Shabaab ay weeraro ka fuliyeen deegaano ku yaalla gobolkaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this