Sign in to follow this  
Deeq A.

DR.Yuusuf Muxidiin “Mudadii Sanadka Aheyd Ee Aan Joogay Xafiiska Xogheynta Xiriirka Kubbadda Cagta Waxaan Korarsaday Aqoon Iyo Waayo Aragnimo”

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha guud ee Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Dr.Yuuusuf Muxidiin Axmed ayaa iminka u buuxsantay mudo hal sano ah oo la shaqaynay madaxda Xiriirka waxaana jagadan loo magabaacay bisha Febraayo 2019,isagoo xilkaa ka badalay Xasan Maxamuud Maxamed (Farey),Dr Yuusuf Muxidiin ayaa Goobjoog u sheegay mudadii uu joogay xafiiska xogheynta Xiriirka uu gaaray guulo waaweyn ee gudaha iyo dibadda wuxuuna u mahad celiyay dadkii kala gedisanaa uu la shaqeeyay.

Sequence-32.00_05_43_17.Still006-1024x76

Guddoomiyaha Kooxda Geeska Afrika Abuukar Maxamed Cabdulle (Savana) ayaa Goobjoog u sheegay in Dr Yuusuf Muxidiin Axmed uu wax badan kusoo kordhiyay xafiiska xogheynta Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya kooxaha kubbadda cagtana ay aad u amanaayaan dhallinyarada aqoonta wanaagsan ee iminka hogaaminaysa waxaayaha kala duwan ee xafiisyada Xiriirka Kubbadda cagta.

Sequence-32.00_02_13_03.Still007-1024x76

Mudadii sanadka aheyd oo Dr.Yuusuf Muxidiin Axmed ahaa xoghaya guud ee Xiriirka Kubabdda Cagta Soomaaliya waxa uu ka qeyb galay shirka kala duwan kuwaas oo ka kala dhacay wadamada Qaarada Africa iyo Yurub,isagoo sheegay in uu qibrad wanaagsan uu kasoo qaatay shirarkaas madaxa ciyaaraha caalamkana ay aad soo dhaweeyeen iminkana uu la lee yahay wada shaqeynta joogta ah.

61192737_335528513779493_366092108677565

Kolkii aad booqato xarunta dhexe uu xiriirka kubbadda cagta dalka waxaa dareemaysaa kaalinta ay dhallinyarada ku lee yihiin shaqooyinka socota waxaana bahda kubbadda cagta iyo kooxaha hoosyimaada xiriirka ayaa bogaadiyaan horomarka iyo is badalka muuqda ee iminka lagu tilaabsaday.

Sequence-32.00_00_08_08.Still009-1024x76

Si kastaba dad badan yaa talabaadan u arka mid horomar iyo guul ah maadam dhainyarada wax baratay ay door wanaagsan ka ciyaarayaan guulaha kubbadda cagta Wadanka,balse taa badalkeeda Dr.Yuuauf Muxidiin Axmed ayaa sheegaya in aqoontiisa iyo qibradiisa uu ugu faa’ideeneeyo horomarka socda.
Sequence-15.00_01_47_08.Still001-1024x76

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Mudadii Xafiiska Uu Joogay DR.Yuusuf Muxidiin

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this