Sign in to follow this  
Deeq A.

Sannad-guuradii as’aaska ciidamada Asluubta Soomaaliya oo maanta la xusayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Asluubta soomaaliya ayaa Maanta xusaya sanad guuradii 50-aad ee ku beegan aas-aaskooda.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxa uu ka mid yahay Ciidamada Dalka, waxa uuna si gooni ah ugu xilsaaran yahay Ilaalinta Maxaabiixsta iyo Xabsiyada Dalka, waxaana la aas-aasay 22-kii Febraayo sanadkii 1970-kii, iyadoo tan iyo xilligaasi uu si hufan u gutay waajibaadkiisa marka laga reebo dhowr iyo 20-kii sano ee uu dalku bur-bursanaa.

Xarunta Ciidamada Asluubta Waxaa ka socda hadda qabanqaabada munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada ka soo wareegtay aas-aaska Ciidankaasi, waxaana lagu wadaa inay ka qeybgalaan Mas’uuliyiinta dowlada qaarkood, si ay khudbad uga jeediyaa.

PUNTLAND POST

The post Sannad-guuradii as’aaska ciidamada Asluubta Soomaaliya oo maanta la xusayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this