Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Asluubta oo xusaya sanad-guuradooda 50-aad

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Asluubta soomaaliya ayaa Maanta xusaya sanad guuradii 50-aad ee ku beegan aas-aaskooda.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxa uu ka mid yahay Ciidamada Dalka, waxa uuna si gooni ah ugu xilsaaran yahay Ilaalinta Maxaabiixsta iyo Xabsiyada Dalka, waxaana la aas-aasay 22-kii Febraayo sanadkii 1970-kii, iyadoo tan iyo xilligaasi uu si hufan u gutay waajibaadkiisa marka laga reebo dhowr iyo 20-kii sano ee uu dalku bur-bursanaa.

Xarunta Ciidamada Asluubta Waxaa ka socda hadda qabanqaabada munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada ka soo wareegtay aas-aaska Ciidankaasi, waxaana lagu wadaa inay ka qeybgalaan Mas’uuliyiinta dowlada qaarkood, si ay khudbad uga jeediyaa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this