Deeq A. Posted February 22, 2020 (SLT- Luxembourg)-Dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa lagu wadaa inay dal u aqoonsadaan Falastiin, kadib hindise uu soo gudbiyey dalka Luxembourg. A picture taken on October 16, 2019 shows the European Union flags floating in the air in front of the European Commission building in Brussels. (Photo by Kenzo TRIBOUILLARD / AFP) (Photo by KENZO TRIBOUILLARD/AFP via Getty Images) Wargeyska Yedioth Ahronoth ee Israa’iil ayaa qoray in wasiirka arrimaha dibedda Luxembourg, Jean Asselborn uu arrintan kala hadlay dhigaggiisa Yurub, ayada oo qorshuhu uu yahay heshiis la isku raacsan yahay oo lagu aqoonsanayo Falastiin. Hindisahan ayaa waxaa lagala hadlay wasiirrada arrimaha dibedda France, Spain, Finland, Ireland, Portugal, Malta, Sweden iyo Slovenia, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu soo xigtay warbixinta. Casuumadda uu fidiyey Jean Asselborn ayaa la mid ah baaq hore oo uu bishii December ee 2019 si isku mid ah ugu jeediyeen dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub kadib warqad uu u diray madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ururka Josep Borell, kaasi oo uu ku sheegay in sida kaliya ee lagu bad-baadin karo xalka laba dal uu yahay in la abuuro “xaalad isu dhiganta” oo u dhaxeysa Israa’iil iyo Falastiin. Horumarkan cusub ayaa loo arkaa inuu jawaab toos ah u yahay qorshaha madaxweynaha Mareykanka Donal Trump ee loogu magac daray “Heshiiska Qarniga”, kaasi oo si cadho leh ay u diideen Falastiiniyiinta oo ku qeexay mid la isugu dhiibayo dalabyada Israa’iil. Qorshaha Trump ayaa Falastiiniyiinta siinaya dhul kooban oo ku yaalla duleedka Qudus oo ay caasimad ka dhigtaan, halka Israa’iil uu u damaanad qaadayo inay dalkeeda ku darsato qeyb ballaadhan oo ka mid ah Daanta Galbeed. Inkasta oo dalal dhowr ah oo ka mid ah ururka ay si gooni ah Falastiin ugu aqoonsan yihiin dal xuduudihiisu yihiin kuwii ka hor dagaalkii 1967-kii, caasimadiisuna tahay Bariga Qudus, haddana Midowga Yurub si guud uma aqoonsana. Sida uu qoray wargeyska Haaretz, tallaabada Midowga Yurub ayaa walaac ku ah Israa’iil, waxaana ay billowday cadaadis xooggan oo ay qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah uga dhaadhicineyso inay diidaan. Source Share this post Link to post Share on other sites