Deeq A. Posted February 22, 2020 Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Wadooyinkaasi ayaa lagu arkayaa ciidan ka tirsan dowladda ,kuwaas oo hakad galiyey dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka. Meelaha ciidamada dadka ay ka celinayaan waxaa ka mid isgoysyada Exkontorool, Banaadir, Soob, KM4, Dabka iyo kuwa kale. Sidoo kale shacabka ayaa saaka maalaya gacahooda ,iyadoona jidadka waa weyn lagu arkayo dad badan oo raxan raxan u socda. Tani ayaa lagu sababeeyey munaasabad uu ka qeyb galayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya , taas oo lagu xusayo maalinta aas aaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites