Deeq A. Posted February 22, 2020 Ciidamo ka tirsan kuwa milatariga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii ugu dambeeyey ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaanka Daniga oo dhaca inta u dhexeysa dmagaalooyinka caanka ah ee Balacad iyo Afgooye. Howlgalka ayaa si gaar ah ciidanku waxa ay ula beegsadeen barkoontarool oo la sheegay in Al-Shabaab ay lacago uga qaadayeen gadiidak mara halkaasi. Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in howlgalkaasi lagu dilay labo ka tirsanaa Al-Shabaab. Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in xubnahahaasi ay ka soo furtaan hub, sida ay hadalka u dhigeen. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dagaalytahannada Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites