Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qoor Qoor oo la kulmay guddiga doorashooyinka Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) iyo madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmad Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb.

Madaxwayne Qoor Qoor ayaa marka hore gudooomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan iyo wafdigeeda ku soo dhoweeyay xarunta madaxtooyada Galmudug, isagoo ku amaanay howlaha wacyigalinta bulshada ee ay u tageen deegaanada maamulkaasi.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka heer federaal ee la filayo in la qabto sanadka soo socdo ee 2121-ka.

Ugu dambeyn Xaliimo Yarey ayaa hoggaanka cusub ee Galmudug uga mahadcelisay soo dhoweynta ee loogu sameeyey wafdigeeda Dhuusamareeb.

Halkaam hoose ka daawo Sawirrada:

3-25-696x490 1-40-696x392 2-41-696x670

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this