Sign in to follow this  
Deeq A.

Degmada Qoryooley oo xaalad go’doon ah ku jirta

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib Weerarkii Shabaab ay Arbacadii ku qaadeen Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose, kuna burburiyeen buundadii ugu weynayd ee degmada ayay xaalad adag soo wajahday degmadaas.

Buundada ayaa ka mid ahayd laba buundo oo ku yaala Degmada Qoryooley, balse waxay tani ahayd middii ay adeegsan jireen gaadiidka xamuulka iyo kuwa kale ee ganacsiga geeya degmadaasi.

Saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayay go’doon ku jirtay Degmada Qoryooley, halkaas oo aysan  imaanin gaadiidkii ganacsiga iyo khudaarta keeni jiray, sida uu xaqiijiyay Siid Cali Ibraahim, Gudoomiyaha Degmada Qoryooley.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, in go’doonka degmada Qoryooley uu sababi karo xaalad banii’aadanimo oo aad u daran, haddii aan laga soo gaarin.

PUNTLAND POST

The post Degmada Qoryooley oo xaalad go’doon ah ku jirta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this