Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Si deg deg ah ugu Yeertay Safiirkeedi Suudaan u fadhiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeertay inay dalka ugu soo laabtaan Safiirka u jooga dalka Suudaan Maxamed Islaaq Ibraahim iyo la-taliyaha Koowaad ee Safaaradda.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa loogu yeeray Safiirka Soomaaliya ee Suudaan iyo la-taliyaha Koowaad ee Safaaradda  Cusmaan Maxamed Axmed, iyagoona lagu amray inay dalka ugu soo laaban muddo 4 maalmood oo ka bilaabaneysa 21-ka bishaan February 2020.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in shaqada Safiirka Soomaaliya ee Suudaan uu si KMG ah u sii wadi doono Axmed Ismaaciil Xuseen oo ah la-taliyaha labaad ee Safaaradda.

Dhawaan ayay aheyd markii dagaal gacan ka hadal ah uu dhexmaray Safiirka Suudaan u fadhiya dowladda Soomaaliya iyo ku-xigeenkiisa, kadib markii uu soo kala dhexgalay khilaaf mudo soo jiitamayay oo ku salaysnaa  sida la sheegay howlaha Safaaradda.

Qoraalka-1.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo Si deg deg ah ugu Yeertay Safiirkeedi Suudaan u fadhiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this