Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka DF oo gudaha u galay deegaan ay ku sugan yihiin Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo saaka ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ka wadaan inta u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gudaha galeen deegaanka Daniga oo la sheegay inay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in haatan la maqlayo rasaas teel teel ah, islamarkaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay howlgalkaasi, balse aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Saraakiil ka tirsan kuwa milatariga dowladda federaalka Soomaaliya oo dhankooda la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii looga hortagi lahaa weeraro ay tilmaameen in dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay ka soo abaabulaan halkaasi.

Inta badan dagaalyahannadaan ayaa weeraradooda ugu xoogan ka fuliya wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this