Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo ma marin doonaa Jeneral Bariise wadadii Cabdalla Cabdalla?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa “lagu qal-qaalinayaa” inuu darajooyinka ciidamada ka qaado Jeneral Maxamed Cali Bariise, oo 20-kii bishan sheegay inuu iska casilay xilka taliye ku-xigeenka ciidamada xoogga dalka.

Ka hor inta aanu is-casilaaddiisa shaacin, soona bandhigin warqad ku taariikheysan 18-kii Febraay, madaxweynaha ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu xilka ka qaaday Jeneral Bariise, kadib markii uu “garwaaqsaday baahida loo qabo in lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed tayeyn iyo qaabeyn joogta ah.”

Hase yeeshee, Jeneral Bariise ayaa sheegay inay la-yaab ku noqotay in isaga oo is-casilay 18-kii Febraayo, laga faafiyo qoraal “been abuur ah” oo la leeyhaay “xilkii ayaa laga qaaday.”

Si kastaba, xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa hadda ku warramaya inay sii xumaan karto muranka labada dhinac, ayna jirto in madaxweynaha lagu riixayo inuu darajooyinka ciidan ka xayuubiyo Jeneral Bariise, si la mid ah Cabdalla Cabdalla.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, 9-kii September 2018.

“Waxaa jira warar ka soo baxaya madaxtooyada oo ka caraysan warqadda xil ka tagista Gen. Bariise ee warbaahintu ay faafisay taasoo lagu bartilmaameedsanayo Gen. Maxamed Cali Bariise oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidanka XDS,” ayuu Fiqi ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook.

“Madaxweynaha ayaa lagu qalqaalinayaa In Gen. Bariise uu rabo in uu kula kaco qaabkii Gen. Cabdalla Cabdalla oo darajooyinka ciidamanimo ee uu tobankii sano ee la soo dhaafay taliyuhu dadaalkiisa, kartidiisa iyo aqoontiisa uu ku kasbaday. Waxaan ka digaynaa In aan awoodda madaxtinimada si qaldan loogu adeegsan shakhdiyaadkii dalkaan u soo halgamay, diyaarkana u ahaa In ay naftooda huraan.”

Saraakiil ka tirsan Villa Somalia oo aan wax ka weydiinay haddii uu jiro qorshe noocan ah, way ka gaabsadeen inay ka hadlaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 10-kii October 2019 waxa uu darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Maxamed Cali Bariise, xilligaasi oo sidoo kalena uu u magacaabay Taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this