Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo ‘wada-hadallo kula jira’ Xaaf iyo Sheekh Shaakir

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Cabdi Qoor Qoor, ayaa billaabay dadaallo uu wada-hadallo kula galayo labada madaxweyne kale ee Galmudug Sheekh Shaakir iyo Xaaf.

Wararka ayaa sheegaya in magaalada Dhuusamareeb ay iminka ka socdaan kulamo iyo dadaallo ku aadan sidii xal waara looga gaari lahaa xiisadda Ahlu-Sunna iyo maamulka Qoor Qoor, sida uu sheegay wasiirka tamarta Galmudug Axmed Shire Falagle.

Qorshaha wada hadallada labada maamul ee ka dhisan magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya odaayaasha dhaqanka iyo hoggaanka ururada bulshada rayidka Galmudug.

Axmed Shire Falagle oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Qoor-Qoor uu ku howlan yahay sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa arrimaha Galmudug.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyey in Qoor Qoor uu wada-hadal kula jiro  maamullada ay hoggaaminayaan Sheekh Maxamed Shaakir iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo mid walba uu sheegto in uu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee maamulka Galmdug.

Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in khilaafka jira la soo afjaro waqti kooban kadib, si loo soo dhiso xukumadda cusub ee Galmudug.

Hoos ka dhageyso codka wasiirka

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/02/Cod-Hodan-.mp3

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this