Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo shacab ku dishay Shabeellaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ciidamadda AMISOM ayaa lagu waramayaa in qarax Miino lagula eegtay duleedka degaanka Buurane ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Buurane ayaa ah degaan banaanka kaga yaala magaaladda Mahadaay ee gobolkaas dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.

Ma cadda khasaaraha ciidanka Midowga Afrika kasoo gaarey weerarkaas, oo aysan jirin koox illaa iyo haatan sheegatay.

Dadka degaanka ayaa Shabelle u sheegay in rasaas ay ciidanka ganeyn qaraxa kadib ay sababtay geerida hal qof oo shacab ah iyo dhaawaca mid kale.

Mukhtaar Xaaji Aadan ayaa lagu sheegay magaca qofka rayidka ah ee geeriyooday, kaasoo kamid ahaa dadka degaanka.

Askarta AMISOM ee la beegsaday ayaa xiliga uu falku dhacayey biyo ka dhaan-sanayey ceel biyood ku yaala degaanka Buurane, halkaasoo shacab ku sugnaayeen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this