Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif iyo Xasan Sheekh oo ka hadlaya arrimo muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya ayaa maanta oo Jimce ah Muqdisho kaga qeybgalay munaasabad weyn.

Ugu horeyn, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaadey in madaxda talada haysa looga baahan yahay in ay xaliyaan khilaafka ka jira gudaha waddanka kahor inta aysan heshiisyo la gelin dibadda.

Hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa hoosta ka xariiqay in is-dhexgalka gobolka oo xukuumada ku howlan tahay uu noqdo mid aad looga fekeray isla markaana aanan lagu degdegin, sidda uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Kenya uu salka ku hayo balamo ay horey uwada galeen labadda dhinac, balse uusan quseyn kiiska badda.

Gudoomiyaha xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ayaa xusay in madaxda dalka ay u balanqaadeen Kenya in ay xal hoose ka gaari doonan kiiska badda, wallow uusan soo bandhigin caddeymo buuxa.

Ugu dambeyntii, labadda hogaamiye hore ayaa soo jeediyey in ay muhiim tahay in doorashooyinka 2020-21 ay ku dhacaan qaab hufan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this