Deeq A. Posted February 21, 2020 Nairobi (SMN) – Wararka ka imaanaya sohdinta Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in laga dareemayo xiisad aad u xoogan. Xiisadda ayaa ka dambeysay markii ciidamadda dowladda federaalka ah ay talaabeen dhanka Mandeera. Warbixinada ayaa intaas ku daraya in ciidanka ay doonayaan in ay burburiyeen fariisimo uu halkaas ka sameysanayo wasiirka Amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan oo halkaas dhaqdhaqaayo culus kawada. Dadka degaanka ayaa sheegaya in ay ka cabsi qabaan in uu gedaal dhexmaro Ciidamadda labadda dowladood. Cali Rooba, gudoomiyaha Mandera, ayaa sheegay in aysan aqbali karin in lagu dul-dagaalamo shacabka ay metelaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites