Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiye Afrikaan ah oo loo maxkamadaynayo dilkii xiiskiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska dalka Lesotho ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha dalkaas, Thomas Thabane, oo da’diisu ay tahay 80 sano jir maanta loo maxkamadeyn doona dilka xaaskiisi hore, Lipolelo Thabane.

Inkastoo uusan Mr Thabane ka hadlin eedeymaha loo soo jeediyay ayaa haddana waxaa uu ku dhawaaqay in uu xilka ka degayo bisha July ee sanadkan, isagoo sheegay inuu hawlgab noqonayo.

Xaaska uu haatan qabo ayaa sidoo kale dhawaan lagu so eedeeyay inay dishay xaaskii lala qabay. Waxa uu noqonayaa hogaamiyihii ugu horreeyay ee Afrikana ah ee lagu eedeeyo in ay ku lug lahaa dil isagoo xafiiska haya.

Lipolelo, oo 58 jir ahayd ayaa toogasho lagu dilay laba maalin kahor doorashadii 2017, kahor inta uusan Thabane noqon ra’iisul wasaare.

Markii la dilay xaaskiisa, waxaa uu falkii dhacay ku tilmaamay “axmaqnimo” balse booliska waxay haatan ku eedeeyeen in uu ku lug lahaa dilka xaaskiisa.

PUNTLAND POST

The post Hoggaamiye Afrikaan ah oo loo maxkamadaynayo dilkii xiiskiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this