Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda hoose ee Xamar oo joojisay bixinta ruqsadaha Shirkadaha Forex Market Trading

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa soo saaray Wareegto lagu mamnuucay bixinta ruqsadaha Shirkadaha ka ganacsada sarifka lacagaha qalaad ee Forex Market Trading.

Guddoomiye, Cumar Filish ayaa sheegay in isagoo tixraacaya warqaddii horey uga soo baxday Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ee ku addanayd ruqsad siinta shirkadaha ka shaqeeya sarifka lacagaha qalaad, in la joojiyay bixinta ruqsadihii ay uga howlgalayeen Caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa wareegtada ku xusay in ruqsadihii ay horey u bixisay Dawladda Hoose ee Xamar ee la siiyay shirkadaha bixiya adeegga sarifka lacagaha qalaad ee Forex Market Tranding go’aan laga gaari doono.

Mudane Cumar Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ciddii amarkan jabisa ama u hoggaansami weysa laga qaadi dona tallaabo sharci ah.

Wareegto-Forex.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dawladda hoose ee Xamar oo joojisay bixinta ruqsadaha Shirkadaha Forex Market Trading appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this