Sign in to follow this  
Deeq A.

Mandheera oo laga cabsi qabo in dagaal ku dhexmaro dowlada Soomaaliya iyo Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Ismaamulka Mandheera Cali Rooba waxa uu ka digay in uu dagaal ku dhexmaro Magaaladaas Ciidamada Dowladda Federaalka ee dhaq-dhaqaaqyada Ciidan ka wada Baladxaawo iyo Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Mandheera ku sugan.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in ay xiligaan farta wadnaha ku hayaan, marka la eego dhaq-dhaqaaqyada ciidamada labada dhinac ay ka kala wadaan Labadaan ee isku dheggen.

Cali Rooba waxa uu tilmaamay in Dowladda Kenya ay ka indha-saabanayso gulufka colaad ee ka dhex jira Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Dowladda Kenya ayaa qaadaneysa mas’uuliyadda hadii uu dagaal ka dhaco Magaalada Mandheera, waayo goor hore ayaan u sheegtay n aysan indhaha ka qabsan waxa muuqda ee ah ciidamada isku hub uruursanayo, markale waxa aan leenahay gudda mas’uuliyadina oo Mandheera ka saara Ciidamada Jubbaland” ayuu yiri Gudoomiye Cali.

Gudoomiyaha Magaalada Mandheera, Siyaasiyiin xilal horay deegaanka uga soo qabtay iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa bilawgii bishaan Dowladda Kenya ka dalbaday in Mandheera ay ka saarto Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ka baxsaday goob ay ku heysay DFS 28-kii Janaayo sanadkaan 2020

PUNTLAND POST

The post Mandheera oo laga cabsi qabo in dagaal ku dhexmaro dowlada Soomaaliya iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this