Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorasho dalka ka dhaca 2020-21 oo lagu dedaalayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in ay ku dedaalayaan sidii doorasho qof iyo cod ah uga dhici lahayd dalka.

Xaliimo Yarey, gudoomiyaha guddigaas, ayaa daboolka ka qaadey in farsamo ahaan ay diyaar u yihiin qabashadda coddeynta.

Iyaddoo hadalkeeda sii wadata, waxay xustay in caqabada kaliya oo ay wajahayaan in ay tahay in qof walba uusan ka coddeyn karin meesha uu doono.

Caqabadaas ayay xustay in ay rajo wanaagsan ka qabaan sidii looga bixi lahaa sanada soo aadan, sidda ugu dhaqsiyaha badan.

Hadalka gudoomiye Xaliimo Yarey ayaa kusoo aadaya iyaddoo madaxweynaha uu qalinka ku duugay sharciga doorashooyinka oo muhiim u ah hiigsiga Qaranka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this