Sign in to follow this  
Deeq A.

CC SHAKUUR oo si weyn u dhaliilay tallaabadii uu xalay qaaday FARMAAJO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo barta Facebook ee Villa Somalia xalay lagu baahiyey qoraal uu  Madaxweyne Farmaajo uu xilkii uga qaaday Taliye ku-xigeenkii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise, ayaa waxaa durba ka dhashay falcelin iyo dhaliilo ay madaxweynaha u soo jeedinayaan siyaasiyiinta dhaliila siyaasaddiisa.

Taliye Bariise ayaa xilkaas loo magacaabay bishii October ee sanadkii 2019-kii, waxuuna xilkaas hayey wax ka yar 5-bilood, taas oo dhalisay in lagu dhaliilo madaxweyne Farmaajo, is bedellada joogtada ah ee uu ku sameeyo hoggaanka ciidamada qalabka sida.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta arintaas ku dhaliishay Madaxweyne Farmaajo, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay in aysan sax aheyn is bedellada joogtada ah ee ciidanka lagu sameynayo iyo in loo hanjabo mararka qaar.

“Waa markii lixaad uu madaxweynuhu isbaddel ku sameeyo hoggaanka ciidanka. Sax maaha in ciidanka beddelaad joogta ah lagu sameeyo, marna loo hanjabo, marna hawlo farsamo, diiwaan gelin iyo fayl u samayn, xafiisyada madaxda looga dhex faano” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur  ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ciidanku uu u baahanyahay dhiira gelin iyo lagu booqdo furimaha dagaal, si joogto ahna looga warqabo qoysaskooda.

“Ciidanku wuxuu u baahanyahay in la dhiirrigeliyo, loo muujiyo hoggaan, lagu booqdo farumaha dagaalka, laga warqabo qoysaskooda, loo diro aqoon kororsi, laguna abaalmariyo naf huristooda” ayuu Cabdiraxmaan sii raaciyey qoraalkiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this