Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirada Galmudug oo ansixiyey miisaaniyada 2020

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta shir guddoomiyey shirka usbuuclaha ah ee Golaha wasiirada.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Dahir Ciid ayaana goobjoog ahaa kulanka maanta.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ku saabsanaa soojeedinta & ansixinta Miisaaniyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee 2020.

Wasiirka wasaarada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa golaha u soo bandhigtay ku talagalka miisaaniyadeed ee 2020.

Dood iyo falanqeyn kadib, golaha wasiirada ayaa si aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyada 2020 oo gaaraysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar).

Miisaaniyada sanadkii 2018 ayaa aheyd 8 milyan, waxana la kordhiyay in ka badan 50%.
Madaxda cusub ee Galmudug waxaa ka go,an abuurida kaabayaal iyo ilo dhaqaale si loo gaaro isku filnaan.

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people sitting, table and indoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this