Deeq A. Posted February 20, 2020 Gaalkacyo (SMN) – Maamul goboleedka Puntland ayaa lagu waramay in uu maanta Gaalkacyo ku xir-xiray ganacsato iyo wariyeyaal. Xariga ayaa ka dambeeyay markii ganacsatada ay ka gadoodeen canshuur kordhin ay sheegeen in lagu sameeyay. Saxafiyiinta ayaa la qabtay markii ay isku dayeen in ay baahiyaan war ku saabsan in ganacsatadda shaqo joojin sameeyeen. Warbixinadda ayaa daboolka ka qaadaya in dhinacyadda dib loogu celiyey xorriyadooda kadib dedaal ay sameeyeen odayaasha dhaqanka. Mas’uuliyiinta ayaanan wali ka hadlin xariga iyo gadoodka ganacsatadda, oo saameyn xoogan ku yeeshay nolosha dadka. Dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu tirro dhowr ah horey u xiray siyaasiyiin iyo shaqsiyaad kale oo kasoo horjeestay maamulkaas. View the full article Share this post Link to post Share on other sites