Deeq A. Posted February 20, 2020 Mandhera (Caasimada Online) – Nin la tuhunsan yahay inuu ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa isku dhiibay hay’adaha amniga Mandhera, maalin kadib markii weerar bas oo ka dhacay gobolka lagu dilay afar qof. Salaad Haajir Jimcaale oo 23 jir ah ayaa isku dhiibay magaalada Ceel-Waaq ee koonfurta Mandhera, Khamiis. “Sida uu sheegay kaaliyaha madax booliska Bulla Afya, Maxamed Cabdullaahi. Tuhmanahan Al-Shabaab ayaa lagu arkay deegaanka isaga oo doonaya inuu isa soo dhiibo,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saareen booliska Mandhera. Madaxa booliska Mandhera Onesmus Kathya ayaa sheegay in tuhmanaha lagu hayo saldhigga booliska Ceel-Waaq oo su’aalo lagu weydiinayo. “Xubin Al-Shabaab ah oo wata qori AK 47 ah iyo saddex qasnad oo buuxa ayaan gacanta ku haynaa,” ayuu yiri Kathya. Waxa uu sidoo kale xirnaa dhar militari, markii la qabanayey. Ilo-wareed boolis ayaa sheegay in tuhmanaha uu arkay madax boolis oo deegaanka ah, kadibna la xiray. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in Salaad uu kasoo jeedo deegaanka Ashabito ee Rhamu oo ku taalla waqooyiga Mandhera. Share this post Link to post Share on other sites