Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo isbitaalka ku booqday askar dagaal ku soo dhaawacantay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Isbitaalka ciidamada Militariga  ku booqday askar ka tirsan ciidamadaas  oo ku dhaawacmay dagaal ka dhacay degaanka Ceel-saliini ee gobalka Shabeellada Hoose.

Ra’iisul wasaaraha ayaa maamulka Isbitaallada ka waraystay xaaladda caafimaad ee askarta ku soo dhaawacmay dagaalkii Al-shabaab iyo dowladda ku dhexmaray degaanka Ceel-saliini.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada ay ugu jiraan sidii Al-shabaab looga saari lahaa degaannasaasi.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo isbitaalka ku booqday askar dagaal ku soo dhaawacantay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this