Deeq A. Posted February 20, 2020 Kampala (SMN) – Taliyaha ciidamada difaaca dadka ee dowlada Uganda Gen Joseph Musanyufu ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay cutubyo ka trisan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howgalka AMISOM. Taliyaha ciidamada difaaca dadka ee Uganda Gen Joseph Musanyufu ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,waxaa ku soo dhaweeyay taliyaha qeybta koowaad ee ciidamada AMISOM Gen Richard Otto. Isagoo warbaahinta la hadlayay taliyaha ciidamada difaaca dadka ee Uganda gen Joseph Musanyufu ayaa sheegay inta uu joogo Soomaaliya uu booqan doono meelo kala duwan ay ka howgalaan ciidamada,isla markaana uu qiimeyn doono xaaladaha ay ku shaqeeyaan ciidamada AMISOM. Sidoo kale Gen Joseph Musanyufu ayaa bogaadiyay dedaalka howgalka AMISOM ay ugu jiraan nabadeynta Soomaaliya,isagoo sheegay in nabada Soomaaliya ay xal u horseedi karto dalal kale oo geeska Africa ka tirsan. Ugu danbeyn Taliyaha ciidamada difaaca dadka ee dowlada Uganda Gen Joseph Musanyufu ayaa sheegay in hogaanka taliska ciidamada difaaca dadka ee dowalda Uganda uu diyaar u yahay kaalintiisa ku aadan dadaalada xal u helida amaanka Soomaaliya,isagoo balan qaaday in ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howgalka AMISOM ay si dhab u gudanayaan waajibadka ay dhowr iyo toban sano kahor u yimaadeen Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites